Soomaaliya oo goobaysa taageerada diblumaasiyada Mareykanka

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa codsi u gudbiyey Safiirka Ameerka ee Qaramada Midoobey, Linda Greenfield.

WASHINGTON, United States - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay shir-madaxeedka iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed la qaatay Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobey Linda Greenfield.

Danjire Linda ayuu la wadaagay warbixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo saameynta cuna-qabateynta dhanka hubka ee saaran Soomaaliya ay ku yeelatay howlgalada socda.

Sida ay sheegtay Madaxtooyadda, Xasan ayaa sheegay "in si naf hurnimo leh ay ciidamada Soomaaliyeed ku xoreeyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan".

Doorka geesinimada leh iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee ay u muujiyeen bulshada deegaannada la xoreeyey ayaa dul istaagay wuxuuna xusay in xaaladda nololeed ee adag ee ka jirta degmooyinka iyo deegaannada laga saaray argagixisada.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in uu maleyshiyaadka Al-Shabaab ku eedeeyay in ay burburisay kaabeyaasha nolosha iyo adeegyadii dadweynaha ee ka jiray deegaannadaas.

"Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka rajeeyey diblumaasiyadda Maraykanka in ay codkooda Golaha Ammaanka iyo Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay ku xoojiyaan qorsheyaasha dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, qaadista cunaqabateynta hubka, ka hortagga isbeddelka cimilada iyo dib u dhiska deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta Alshabaab," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Mareykanka ayaa kamid ahaa wadamada ka tirsan Golaha Ammaanka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee taageeray in Soomaaliya aan laga qaadin xayiraada hubka bishii lasoo dhaafay kadib soojeedin ka timid boqortooyadda UK.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM