Soomaaliya oo hakisay heshiisyadii dekedaha, amniga iyo difaaca ee Imaaraadka Carabta
MUQDISHO — Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii ansixiyay go’aan lagu hakiyay dhammaan heshiisyadii ay Soomaaliya la lahayd Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa dekedaha, amniga iyo difaaca, kaddib markii la sheegay in heshiisyadaasi wax u dhimayeen midnimada, madaxbannaanida iyo kala dambeynta dastuuriga ah ee dalka.
Go’aanka ayaa lagu gaaray shir ay Golaha Wasiirradu yeesheen 12-ka Janaayo 2026, sida lagu sheegay warsaxaafadeed rasmi ah. Hakinta ayaa khuseysa heshiisyada la xiriira maamulidda iyo maaraynta dekedaha iyo garoomada ku yaalla dhulka Soomaaliya, oo ay ku jiraan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.
Golaha Wasiirradu sidoo kale waxay go’aamiyeen in la hakiyo dhammaan heshiisyada laba geesoodka ah ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa iskaashiga amniga iyo difaaca.
Goluhu wuxuu sheegay in go’aankaasi ka dhashay qiimeyn muujisay tallaabooyin wax u dhimaya madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada qaran iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka.
Iyagoo ku dhaqmaya waajibaadkooda dastuuriga ah, Golaha Wasiirradu waxay adkeeyeen mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo nidaamka dastuuriga ah ee Soomaaliya.
Somaliland ayaa durba ka jawaabtay go'aanka DFS, iyadoo sheegtay inuusan waxba ka bedeli karin heshiiska Berbera ay kula jiraan shirkadda DP World, oo laga leeyahay Imaaraadka.
Dowladda Federaalka ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay dhowrista mabda’a madaxbannaanida dowladaha, sinaanta caalamiga ah iyo ku dhaqanka dastuurka, iyadoo ku xustay in go’aanku waafaqsan yahay waajibaadka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo Jaamacadda Carabta.
Golaha Wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen in midnimada qaran ay laf-dhabar u tahay difaaca danaha aasaasiga ah ee Soomaaliya.
GAROWE ONLINE