Soomaaliya oo Imaaraadka ku wareejisay lacagtii ka xayirneyd

Image
Lacagtan oo wadarteeda lagu sheegay 9.6 milyon doolar ayaa taalay Bangiga Dhexe ee Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala  hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018-kii.

Wararka ayaa intaas ku daraya in safiirka Imaaraadka u jooga Muqdisho iyo wasiirka amniga gudaha ay lacagtan si wadajir ah uga soo qaadeen Bangiga Dhexe ee Muqdisho.

Dhanka kale, Rooble ayaa maanta oo Khamiis ah u duulay Imaaraadka Carabta si uu uga qayb galo aaska Marxuum madaxwayne Sheikh Khalifa oo dhawaan u geeriyooday xanuun.

Qoraal kasoo baxay xafiiskiisa waxaa lagu yiri: "Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan".

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid [ayuu] u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud'.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa dhawaan soo celiyay xiriirkii walaaltinimo ee Muqdisho iyo AbuDhabi kadib sanado uu xummaa taasoo ka dhalatay siyaasada qaloocan ee maamulkii Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM