Soomaaliya oo ka qeybgashay shir ka dhacay Imaaraadka

Image
Image
Image
Kulankan ayaa daaranaa dib-u-eegista arrimaha waxbarashadda Caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) iyo Wafti uu Hugaaminaayo ayaa magaalada Dubai ee Wadanka isku-taga Imaaradka Carabta uga qeyb gelay Shirka dib-u-eegista Arrimaha Waxbarashadda Caalamka ee Global partnership for Education (GPE).

Cabullaahi Carab ayaa kulama gooni-gooni ah la yeeshay Wasiirka Waxbarashada dalka Tanzania Joyce Ndalichako, Madaxweynahii Hore dalka Tanzania Jkaya kikweta oo hadda kamida madaxda Sanduuqa Caalamiga ah iskaashiga Waxbarashada iyo agaasimaha Waxbarashada ee Bank Aduunka, Jaima Haayme.

Is-araggyadan ayaa kala hadlay sidii Waxbarashada Soomaaliya loo gacan siin lahaay iskaasha dhawna oo u dhaxmari lahaa daneeyayaasha Waxbarashadda Caalamka Iyo dowladda Soomaaliya

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay hey’adda Duba Cares iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda (UAE) ayaa ujeedadiisu tahay in la soo bandhigo fursadaha ay bahda waxbarashada caalamiga ah ku kaalmeyn karaan baahida waxbarasho ee ka jirta dunida sadexaad iyo sidii ay daneeyayaasha Caalamiga ah uga doodi lahaayeen dib u qaabeynta Waxbarashada Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM