Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Image

MUQDISHO — Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad, ayaa si cad u beeniyay warar sheegaya in hub sharci-darro ah oo soo gala dalka loo sii mariyo dalalka dariska, ama loo adeegsado Soomaaliya waddo lagu gaarsiiyo Xuutiyiinta Yemen ama kooxo kale oo gobolka ka tirsan.

Wareysi uu siiyay Al Jazeera Net, ayuu wasiirku ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixinayso sidii loo joojin lahaa hubka ka imanaya Yemen ee loo soo tahriibiyo Geeska Afrika, islamarkaana aysan jirin wax xog ah oo muujinaysa in hubkaasi Soomaaliya uga gudbo dhinacyo dagaal ku lug leh.

“Waa eedeyn aan sal lahayn. Ma jiraan wax caddeyn ah oo tilmaamaya in Soomaaliya loo adeegsado marin hub loogu gudbiyo Xuutiyiinta,” ayuu yiri Cali Balcad. “Annaga waxaan ka shaqeyneynaa sidii si buuxda loo xakameyn lahaa dhaqdhaqaaq kasta oo sharci-darro ah.”

Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya u heellan tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka, iyadoo mudnaanta siineysa nabad, xasillooni iyo iskaashi dhanka amniga iyo horumarka guud ee Geeska Afrika.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Yemen, Sareeye Gaas Mohsen Maxamed Axmed Al-Daari. 

Labada dal waxay ku heshiiyeen in loo baahan yahay qorshe mideysan oo lagu adkeeyo amniga badda, laguna xakameeyo dhaqdhaqaaqyada hubka sharci darrada ah ee ay adeegsanayaan kooxo isku dayaya inay wiiqaan xasilloonida Soomaaliya, Yemen iyo guud ahaan gobolka.

GAROWE ONLINE
 

Related Articles

Ciidamada Danab oo Shacab ku dilay tuulo u dhow Afgooye

Odayaasha iyo dadka ka badbaaday weerarka ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan dib u celin gurmad caafimaad oo ku filan.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 11:47AM

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib u qabsaday tuulooyin Al-Shabaab ka baxday 

Howlgalka wuxuu ku bilaawday si habsami leh iyadoo aan dhibaato weyn jirin. Waxaan la wareegnay sagaal goobood oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    10-12-2025

  • 09:39AM