Soomaaliya oo laga dalbaday joojinta xukunada dilka toogashada

Image
Codsigan ayaa lagu soo gudbiyey warbixin laga soo saarey xaalada xuquuqul insaanka Soomaaliya.

NEW YORK, USA - Khabiir madax-banaan oo xuquuqul insaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay joojiso dhammaan xukunnada dilka ah ayna gabi ahaanba baabi'iso.

"Daawaynta iyo xaaladaha lagu hayo xabsiyada Soomaaliya waxay aad uga hooseeyaan heerarka caalamiga ah," ayay Isha Dyfan tiri oo warbixin soo saartey horaantii todobaadkan.

Dyfan oo sheegtay in ay dhowaan booqatay Soomaaliya ayaa kormeertay qaar kamid ah jeelasha ku yaala magaala madaxda Muqdisho kuwaasoo ay kusoo aragtey wax ay ugu yeertay "xaalad wax ka qabasho u baahan".

"Daryeel caafimaad ayaa aad u hooseeya iyadoo hal isbitaal oo dowladeed uu ku yaallo Muqdisho," ayay ku tiri nuqul kamid ah warbixinteeda. "Heerka sare ee shaqo la'aanta dhalinyarada; guur hore oo qasab ah".

Haweenayda ayaa hadalkeeda waxay intaas raacisay: "Waxaan walwal leh kororka xariga sharci darada ah iyo beegsiga ay suxufiyiinta kala kulmayaan kacayaan ciidamadda ammaanka guud ahaan dalka oo dhan".

Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay xukuntaa dil toogasho ah dagaalameyaasha kooxaha argahixisada. Askarta lagu helo fal-dambiyeedyada dilka bareerka ah ayaa kamid ah shaqsiyaadka ciqaabtaas la marsiiyo.

Maalmihiisii ugu horeeyay xafiiska, madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ayaa hoos-u-dhigay fulinta ciqaabtan sababo ku aadan dhalashada Mareykanka oo uu haystay balse uu kal dambe iska celiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM