Soomaaliya oo loo dalbay aduun dhan lacag dhan $416 milyan

Image
Lacagtan ayaa la sheegay in loo baahan yahay inta u dhaxaysa Noofambar iyo Abriil 2023.

NAIROBI, Kenya - Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa u dhawaaqdey inay u baahan tahay 416 milyan oo doollarka Maraykanka ah lixda bilood ee soo socota si looga hortago macluusha Soomaaliya.

WFP waxay xustey in lacagaha loo baahan yahay inta u dhaxaysa Noofambar iyo Abriil 2023, ay ku jirto 356-milyan oo doollar oo ka dhiman dhanka cuntada iyo gargaarka nafaqeynta.

"Waxaan filaynaa in aan lacagtan helno dhamaadka bisha November. Wixii macluumaad ah soo soo kordha waxay ku eegi doonaa xaalada cunto yari ee la filan karo," ayay tiri WFP.

Qoraalka ayaa intaas u daray: "Natiijada cusub waxay qeexi doontaa saadaasha cusub ee Janaayo ilaa Juun 2023". Bayaankan ayaan ciwaankiisu ahaa xaaladda ka hortagga macluusha Soomaaliya.

Warbixintan ayaa, sidda ay sheegtay hay'adda, waxaa lagu saleeyay qiimeyn laga sameeyay guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan goobaha la saadaaliyey in ay wajihi karaan cunto yari.

Qormadda ayaa intaa ku dartay in gargaarkii cuntada ee ay bixiyeen WFP iyo hay'adaha kale ee bani’aadantinimo ay meesha ka saartay natiijadii ugu darnayd ilaa hadda, balse ay sii socoto.

"Caawimada waa mid muhiim ah bilaha soo socda," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah kaasoo ka dalbadey deeq-bixiyeyaasha in ay si degdeg ah kaga soo jawaabaan codsiga hay'adda Cunnada dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM