Soomaaliya oo loo xukmiyey dacwadda badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda cadaaladda aduunka ayaa xukmisay in Soomaaliya ay leedahay xuduuda badda ee ay muranka gelisay Kenya. ICJ waxay sidoo kale faafisay khariirad ay ku muujineyso sidda ay noqoneyso sohdinta.

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa yiri "Warkii oo kooban Soomaaliyaa ayaa loo xukumay badda la isku haystay inteedii badnayd".

Dafac ayaa raaciyey: "Isbedel ayaa lagu sameeyey laynka saxda ah ee la raaco sababta oo ah Kenya ayaa hadii kale noqonaysa meel xidhan maadaama oo ay cidhiidhi gelisay xadaynta Tanzania iyo ta Soomaaliya".

Wuxuu intaas kusii daray: "Khadka la bedelay maaha mid ay wax badan ku heshay Kenya".

Dhanka kale, Garyaqaan Axmed Khayre ayaa qoray "in maxkamadda ay qaadatay qaabkii Soomaaliya soo jeedisay in lagu xadeeyo xuduud badeedka oo ah in la raaco equidistant line".

"Waxa ay markaas qiimeesay in ay jiraan duruufo qasbaya in xariiqa la faragaliyo(adjustment). Kenya waxa ay soo jeedisay dhowr duruufood oo qasbaya in xariiqa la leexiyo," ayuu raaciyey.

1) Kenya waxa ay sheegtay walwal amaanka ah. Maxkamaadu waa diiday duruuftan.

2)Kalluumaysatada oo weynaya meel ay ka kalluumaystaa. Maxkamaddu dooddaanna waa diiday.

4) Waxa kale oo Keenya ku dooday xudduuda xaqiiqa ahaan u jirtay. Dooddaanna maxkamaddu waa diidday.

5) Doodda ah in aagga dhaqaalaha iyo qalfoof badeedka xariiqa loo baahan yahay in waxyar la dadbo ayaa maxkadaddu yeeshay. Xariiqdana waa la qalloociyey oo adjustment ayaa lagu sameeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM