Soomaaliya oo mar kale gashay qalalaase doorasho

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa mar kale foodda is-daray.

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ayaa mar kale waxay cagta saartey dhabo dadka qaar ay ku sifeeyeen jahwareer siyaasadeed iyo in giraanta hanaanka doorashooyinka ay dhinac kale u wareegsatay.

Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo oo ku baaqay "dhab-u-jihayn" lagu sameeyo hanaanka doorashooyinka ayaa ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ku eedeeyay "in uu ka leexdey dhabihii saxda".

Shir ay isugu yimaadaan golayaasha dowladda iyo madaxda maamuladda ayu uku baaqay "si loo saxo qaladaadka doorashadda loona dhaqan-geliyo hogaan fulin kara doorasho loo-dhan yahay oo hufan".

War-saxaafadeed ay Villa Soomaaliya sii deysay saqdii dhexe ayuu ku sheegay in Rooble uu "curyaamiyey guddiga doorashadda iyo in uu qaatay go’aano hal dhinac ah oo caqabad ku noqdey coddeynta".

Xafiiska wasiirka koowaad ayaan wali ka jawaabin qaddiyaddan. Balse, saacado kahor dhawaqa Farmaajo, xukuumadda xilgaarsiinta waxay shaacisay in uu jiro qorshe diyaarsan oo lagu sumcad dilayo Rooble".

Wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo shir jaraa’id ku qabtey Muqdisho oo ku hanjabay in talaabo laga qaadi doono dadkaas uusan carabaabin, ayaa dalbadey in midnimo looga gudbo xaaladan.

"Xukuumaddu ma ogolaan karto in tallaabooyin dhaca oo laga hor tegi karo ay keenaan in berri ay dadka Soomaaliyeed is dilaan oo dowladnimada Soomaaliyeed ay ku burburto, si sahlan oo dano shakhsi ah ku saleysan, sidaas darteed waxaan weydiisaneynaa shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagan," ayuu ka sheegay shir jaraa’id.

Is-mari-waaga kasoo dhex-cusboonaadey Farmaajo iyo Rooble ayaa sii murjinaya isgoyska uu dalku taagan yahay waqti-xaadirkan iyo hubanti la’aanta halka uu waddanka u jiheysan doono mudadda soo aadan.

GAROWE ONLINE  

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM