Soomaaliya oo noqotay dalka keliya ee diiday qaraar QM ka soo saartay tacaddiyada ka dhanka ah haweenka
NEW YORK — Soomaaliya ayaa noqotay dalka keliya ee ka codeeyay qaraar ay Qaramada Midoobay (QM) soo saartay, kaas oo ku baaqaya in la xoojiyo dadaallada looga hortagayo laguna ciribtirayo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.
Qaraarkan ayaa Talaadadii lagu ansixiyay Guddiga Saddexaad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana taageeray 175 dal, halka Soomaaliya ay diidday, lix dal oo kale oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Ruushkuna ay ka aamuseen codeynta.
Qaraarka oo ay soo diyaariyeen Faransiiska iyo Britain ayaa dalalka xubnaha ka ah QM ugu baaqaya inay qaadaan tallaabooyin dhammaystiran oo lagu joojinayo dhammaan noocyada tacaddiyada, cabsi-gelinta iyo weerarrada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha, isla markaana ay dejiyaan sharciyo iyo siyaasado arrintaas wax looga qabanayo.
Qaraarka ayaa sidoo kale tacaddiyada ku daraya kuwa ka dhaca baraha internet-ka iyo aaladaha casriga ah, isaga oo dalalka ku boorrinaya inay sharciyo u sameeyaan ilaalinta haweenka iyo gabdhaha, gaar ahaan aflagaadada, handadaadda iyo hadallada nacaybka ku dhisan ee internet-ka.
Warbixin uu bishii Agoosto soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 50,000 oo haween iyo gabdho ah lagu dilay sannadkii 2024-kii, kuwaas oo ay dileen lammaanayaashooda ama xubno kale oo qoyskooda ka tirsan.
Mareykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay in qaraarka lagu daray erayo la xiriira caafimaadka galmada iyo taranka iyo ilmo iska soo rididda, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo muran ka taagan yahay.
Dalalka kale ee ka aamusay codeynta ayaa kala ah Argentina, Burkina Faso, Belarus iyo Cameroon.
Qaraarkan ayaa weli u baahan in si rasmi ah uu u ansixiyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay bisha December, maadaama codbixinta Talaadada ay ka dhacday Guddiga Saddexaad ee Golaha.
GAROWE ONLINE