Soomaaliya oo u sii dhawaanaysa Doorashada madaxweynaha

Image
Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayay toos ah ugu wareegtay maamulka doorashadda.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ayaa Arbacada maanta ah leh kulan wadajir ah oo ay isaga dhex dooranayaan xubnaha Guddiga qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Xulista Guddiga ayaa lagu saleynayaa si lamid ah xubnihii qabtay Doorashada Guddoonka labada Baarlamaanka Federaalka balse waxa ay uga duwan yihiin in Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare wadajir u dooranayaan Madaxweynaha Dalka.

Fariin loo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ayaa lagu wargeliyay Ajendaha Fadhigooda maanta si ay isugu diyaariyaan howlaha horyaalla mar haddii ay soo gaabiyeen fasaxa Ciidda & Maalmaha xiga.

“Agendaha kulanka maanta ka dhacaa Villa Hargeysa waa Doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka labada Aqal  ee BFS ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS” ayaa lagu yiri qoraalka hab dhowrka Golaha Shacabha u diray Xildhibaannada.

Fariin taas lamid ah ayaa loo diray Senatarada Aqalka Sare BFS ayaa lagu wargeliyay in kulankooda maanta uu ka dhacayo xaruntooda si uu aqalkaas u xulo xubnaha ku metalaya guddiga doorashada Madaxweynaha 10aad JFS.

Qoraalka ayaa lagu yiri: "Dhismaha iyo Ansixinta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya".

Guddiga Labada Gole Baarlamaanka Federaalka ee Doorashada Madaxweynaha ayaa marka lagu dhawaaqo dejinaya jadwalka Doorashada si Musharixiinta iyo Baarlamaankaba ay isugu diyaariyaan Doorashadaas.

Maalmo ka hor ayaa la soo gebagebowday codbixintii hoggaanka aqalka sare oo mucaaridku gacanta ku dhigeen. Aadan Sheekh Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa ku kala guuleystay Guddoomiyeyaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM