Soomaaliya: Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan oo khasaarooyin kala duwan sababay ayaa saaka oo sabti ah waxa uu ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Goob-joogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhashay Bam gacmeed lagu tuurey fariisin ciidamada xasilinta ay ku leeyihiin Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay, 5 kale oo saddex kamid ay yihiin Askar ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kaasi oo ahaa mid culus oo burbur xooggan gaarsiiyay dhismooyin goobta ku yaallay.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa ku jira hal Askari oo ciidamada xasilinta katirsanaa, iyadoo ay dhawaacmeen labo kale oo Xaaladoodu ay culus tahay, kuwaasi oo la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada.

Kooxda Al Shabaab ayaa durbaba sheegatay mas'uuliyadda qaraxa bam-gacmeedka iyadoo ku faantay inay ku dishay 5 Askari, sidoo kalane ay ku dhaawacday tiro intaasi ka badan.

Saraakiisha Hay'adaha amaanka dowladda wali kama aysan hadlin weerarka, oo qeyb ka ah qaraxyo mudooyinkii dambe kusoo kordhayay magaalada Caasimadd ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM