Soomaaliya: Qarax ka dhacay gobolka Hiiraan

Image

BALEDWEYNE, Soomaaliya - Qarax geestay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa saaka waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay 7 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa, oo la sheegay inuu ka dhashay waxyaabaha qarxa oo saarnaa Gaari nooca NOAH loo yaqaano, oo ay la socdeen xubno katirsan Al Shabaab.

Gaariga ayaa ku qarxay deegaan lagu magacaabo Durdur, oo qiyaastii 40KM dhanka Koonfur uga beegan magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ku dhintay qaraxa ay ahaayeen dagaalyahano katirsan Al shabaab, oo doonayay inay isku qarxiyeen saldhig Ciidamada Militariga Soomaaliye ku leeyihiin deegaankaasi.

Ciidamada dowladda ayaa ku baxay goobta, oo wada baaritaan qaraxa ku saabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM