Soomaaliya: Qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino oo khasaaro geestay ayaa saaka ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, ee maalaha fog laga hago ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodon, waxaana ku dhintay hal ruux oo shacab ah.

Saraakiisha ciidamada amaanka degmada ayaa waxay sheegeen in 3 Askari ay ku dhaawacmeen qaraxa, islamarkaana ay jirin wax khasaaro dhimasho ah oo ciidamada la weeraray soo gaarey.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan, oo qeyb ka ah qaraxyo miinooyin ah oo mudooyinkii damabe kusoo kordhayay Muqdisho iyo duleedkeeda, gaar ahaan wada aada degmada Afgooye, kuwaasi oo qaarkood ay sheegatay Kooxda Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM