Soomaaliya: Qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe [Dhageyso]

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in dhowr qof oo shacab ah ay ku dhinteen qarax miino oo saaka ka dhacay duleedka degmada Balcad.

Saraakiisha maamulka gobolka, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in miino lagu aasay wadada qarkeeda ay ku qaraxday Gaari HOMY ah oo ay la socdeen rakaab ka tagey Afgooye, kuna sii jeeday degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Lix ruux oo shacab ah, oo 2 haween yihiin ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxa miino, waxaana jira dad kaloo dhaawac uu kasoo gaarey kuwaasi oo loo qaadey Isbitaalka Balcad.

Qaraxa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Daniga, oo galbeed uga beegan dhowr Kiilo Mitir degmada Balcad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM