Soomaaliya: Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo khasaarooyin geestay ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay ka kala dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne.

Qarax miino ayaa saaka gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamada dowladda Federaalka waxaa lagula eegtay nawaaxiga Warshadda hore Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogiyaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid culus oo burbur xooggan gaarsiiyay gaariga ciidanka, islamarkaana ay arkayeen dhaawacyada dhowr Askari oo goobta laga qaadayo.

Hase yeeshee, Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya wali kama aysan hadlin qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale, labo Askari ayaa ku dhaawacmay weerar bam-gacmeen ah oo lagu qaadey fariisin ciidana dowladda ku leeyihiin duleedka magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda labada weerar.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay ku daba joogaan raggii weerarkan ka dambeeyay, islamarkaana gacantana lagu soo dhigi doono. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM