Soomaaliya: QM oo dalbatay lacag gaaraysa 1.6 Bilyan

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb-galay shirk ay soo qaban qabiyeen ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaa soo looga hadlayay qorshaha gar-gaar ee arrmaha bini-aadanimadda sanadka 2018.

Shirkan oo ay ka soo qayb galayn dhammaan hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka, ayaa lagu falanqeeyay dhamaan wixii qabsoomay sanadkii tagay ee 2017-ka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirka ka akhriyay warbixin ku saab-san howlihii ay xukuumaddu ka qabatay abaarihii dalka ka dhacay, isagoo tilmaamay in sanadkii hore ay Soomaaliya muujisay dareen wada jir ah, oo dadka Soomaaliyeed ku abuuray rajo wanaagsan.

“Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aysan wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noq-noqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas’uuliyada ka hor-tagida abaaraha," ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horaysa ee u gurmata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawladda shisheeye.

Dhanka kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yiraahdeen dad gaaraya 5.4 million oo qofood, kuwaas oo u baahan gargaar.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadanaa gar-gaarkii bini’aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii balaariyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM