Soomaaliya: Rag Al Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada oo la xukumay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah xukunno kala duwan ku riday rag ku eedaysanaa inay katirsan yihiin Kooxda Al Shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaacidda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu shaaciyay in la xukumay seddex eedeysane oo Ciidamada amnigu soo qabteen iyagoo walxaha qarxa ku diyaarinayay guri ku yaal deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeellaha hoose.

Magacyada eedaysanayaasha la xukumay:-

1- Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud, 30 jir ah ku dhashay gobolka Shabeellaha Hoose [Xukun Xabsi Daa’in]

2- Jamaal Maxamed Cali, oo ku dhashay Muqdisho [10 Sano oo Xabsi ah]

3-Axmed Aadan Weerar, oo isna ku dhashay Muqdisho [10 Sano oo Xabsi ah].

Maxkamadda ayaa sheegtay in saddexda eedaysane ay qirteen dhamaan eedaymaha loo soo xiray, ee ah inay Al Shabaab u qaabilsanaayeen dhanka sameynta qaraxyada, islamarkaana lagu soo qabtey iyagoo falka gacanta kula jira.

Ugu damneyntii Maxkamadda ayaa sheegtay in ciddii aan ku qanacsanayn Xukunka uu racfaan u furan yahay.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM