Soomaaliya: Roobow oo guluf colaadeed oo cusub ka wadda Bakool

Image

XUDUR, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow, Afhayeenkii hore ee Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in guluf colaadeed oo cusub kawado gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.

Roobow oo maalmihii lasoo dhaafay safaro ku kala bixiyay magaalooyin ay kamid tahay Kismaayo, ayaa dib ugu laabtay Xudur isagoo wehlinayaan mas'uuliyiin uu kamid yahay Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.

Wararka ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow, Gudoomiyaha gobolka Bakool, Xildhibaanno iyo Wasiirro katirsan maamulka Koonfur Galbeed ay ku wahan yihiin deegaanka Abal, oo Jimcihii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal uu ku dhintay wiil uu dhalay Roobow.

Cabdullahi Mukhtaar Roobow ayaa lagu dilay duulaan isaga iyo malleeshiyaad daacad u ah aabihii ay ku qaadeen Shabaabka ku sugan deegaan ku yaalla duleedka magaalada Xudur. Halkan ka akhri.

Dagaalka oo dhacay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo labada dhinac kala gaaray, iyadoo wixii ka dambeeyay xilligaasi Al Shabaab ay malleeshiyaad badan soo buux dhaafisay duleedka Xudur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM