Soomaaliya: Safiirka Midowga Yurub oo booqatay Zoobe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya, Veronique Lorenzo ayaa maanta booqatay goobtii uu ka dhacay qaraxii 14-kii October, ee Isgoyska Zoobe.

Veronique waxaa la socday Wasiirro katirsan Xukuumadda, oo u kamid yahay midka qorsheynta, iyadoo ujeedka booqashadu ahayd inay midnimo u muujiso shacabka Soomaaliyeed, ee saameysay dhacdada.

Intii ay ku sugnayd goobta qaraxa, waxay u kuur-gashay howlaha dib u dhiska ka socda, kaasi oo hormuud uu ka yahay gudoomiyaha maamulka gobolka Thaabit Cabdi Maxamed.

Waxay sheegtay inay aad uga argagaxday xaaladda ay goobta kusoo aragtay iyo burburka xooggan, ee uu qaraxa gaarsiiyay dhismooyinkii halkaasi ku yaalla, oo dadkii ku jiray dhamaantood geeriyoodeen.

Veronique, oo warbaabinta la hadashay ayaa tilmaamay inay dhanka kale ay soo jeedatay howlgalaha halkaasi ka socda ee dib u dhiska iyo nadaafadda isagu jira, taasi oo muujinaysa midnimada shacabka.

Dhanka kale, Safiirka ayaa shaaciyay in Midowga Yurub uu siinayo dowladda Federaalka Soomaaliya deeq lacageed oo gaaraysa Boqol kun oo Yuuro (€100,000), si loogu gurmado dhibaniyaasha qaraxa.

Lacagta waxaa loogu tala galay in Midowga Yurub uu ka gacan siiyo dowladda dabooliska arrimaha bini'aadanimada, dib u dhiska iyo inay awood u yeelato maareynta masiibooyinka lamidka ah tii ka dhacday Zoobe Sabtidii aynu kasoo gudubnay.

Waxay sidoo kale dowladaha Ururka Midowga Yurub gaarsiiyeen Lix Isbitaal oo ku yaalla Muqdisho deeq dawo ah, oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka kusoo dhaawacmay qaraxii Zoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM