Soomaaliya: Shir caalami ah oo ka dhacay Muqdisho [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dood ku saabsan ka hortaga iyo jawaab ka bixinta Abaaraha soo noq-noqda ee Soomaaliya.

Waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Abaaraha, iyo Wasiir Dawlaha Arimaha Dibadda, qaar kamid ah Hayadaha Qaramada midoobay, madax ka socotay maamul goboleedyada iyo Safiirada dalalka taageera Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay wufuuda ka soo qayb gashay shirka oo ka kala yimid meelo fog-fog waxuuna ka sheekeeyay jawaabtii ay ka bixisay xukuumadiisa abaartii Soomaaliya mudadii yarayd ee ay jirtay, isagoona sheegay in markii la magacaabay ay dadaal dheer u galayn sidii ummadda Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa abaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa qeexay doorka qurba joogta Soomaaliyeed ay ku lahaayeen wax ka Qabashada abaarihii ku dhuftay dalka, waxuuna tilmamay in ay iska soo aruuriyeen lacag gaaraysa Shan Milyan oo Dollar.

“Soomaaliya waxaa u bilaamay baal cusub oo horumarineed, waxayna diyaarisay qorshayaashii ay ku sugan lahayd Amnigeeda kuna horumarin lahayd dalka oo dhan. Sidoo kal waxay diyaarisay qaabki looga hortigi lahaa khatarta abaaraha, anagoo kaa shanayna hay’adaha caawiya Soomaaliya.

“Suurtagal noqon mayso in dalkeena uu leeyahay khayraad farabadan shacabkeenuna ay macluul iyo gaajo u dhintaan. Balse waa in aan horumarinaa wax soo saarka dalka si ay u yaraato gaajada iyo macaluusha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay sidii looga gaashaaman lahaa looguna diyaar garoobi lahaa abaaro kale oo Soomaaliya soo wajaha iyo habka ugu haboon ee loo hubin karo in gargaarka la gaarsiiyo dadka loogu talagalay, taas oo ay ugu deeqeen dawladooda iyo hay’adaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM