Soomaaliya: Tirada duqeymaha Mareykanka fuliyey 2022-kii

Image
Taliska AFRICOM ayaa shaaca ka dhigay in howlgaladan aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa war uu soo saaray ku sheegay in sanadkii 2022-kii uu Soomaaliya ka geystey illaa 15 duqeyn oo cirka ah, aysan jirin hal qof oo shacab ah oo duqeynta ku dhintay.

Taasi badelkeeda AFRICOM waxa ay sheegeen in duqeynta ay ku dileen wax ka badan boqol dagaalamayaasha Al-Shabaab ah, iyaga oo dowladda ka caawiyay in ay guulo ka gaaraan goobaha dagaalka.

Sanadkii 2021-dii Maraykanka wuxuu qirtay 11 duqeyn, kii ka horeeyay tirada waxa ay ahayd 45 , halka 2019-kii ay dhaceen 59 duqeyn, sidda laga soo xigtey warbixinta AFRICOM.

Duqeymaha cirka ayaa la ansixiyay 2001-dii sanad kadib markii la weeraray daarihii Maraykanka, Soomaaliyana waxa ay ka mid ahayd meelaha uu had iyo jeer Maraykanka ka fuliyo duqeymaha, halkaas oo lagu eedeeyay in dad shacab ah ay duqemaha waxyeelo kasoo gaaraan.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Koongareeska ayaa cabasho u gudbiyay Aqalka Pentagon-ka sanad ka hor waxayna ka dalbeen in ay adkeeyaan xeerarka ku gadaaman weerarada, hubantina laga dhigo in shacabka aysan waxyeelo gaarin.

AFRICOM ayaanan weli soo bandhigin qasaaraha shacab ee weerarada qaar ee sanadkii hore dhacay, waxayna sheegeen in ay weli ku jiraan qiimeyn iyo hubsiinyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM