Soomaaliya: UNSOM oo mudo kordhin loo sameeyay

Image

NEW YORK, USA - Gollaha Amaanka ee Qaramadda Midoobey, ayaa u codeeyay maanta qaraar cusub oo mudo kordhin loogu sameeyay Howlgalka Kaalmeynta QM ee Soomaaliya [UNSOM].

Qaraarka mudo kordhinta loogu sameeyay UNSOM oo tirsigiisu yahay "2408", ayaa waxaa Gollaha Amaanka usoo gudbisay dowladda Ingriiska, oo dalbatay in Howlgalka Kaalmeynta QM ee Soomaaliya sii socdo ilaa March 31, 2019.

Gollaha Amaanka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda taageerada UNSOM ee dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin dhinacyada Siyaasadda, Nabadda, Dib-u-heshiisiinta, xalinta khilaafaadka, dhisamaha Ciidamada qaranka iyo Doorashooyinka.

UNSOM ayaa waxaa aas-aasay Gollaha Amaanka bishii June 3, 2013-kii, kadib qiimeyn ay QM ku sameysay Xaaladda Soomaaliya, iyadoo xilligaasi jirtay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh, oo u baahnayd taageerada Beesha caalamka.

Michael Keating, oo ah diblumaasi u dhashay dalka Ingriiska ayaa hadda madax ka ah UNSOM, oo saameyn ballaaran ku leh Siyaasaadda Soomaaliya, iyadoo dhincayo badan ka taageerta dowladda iyo maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM