Soomaaliya: Wafdi ka socda QM oo soo gaaray Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa saaka kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Filippo Grandi, oo ah madaxa Hay'adda QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa hogaamiyanaya wafdiga yimid Muqdisho, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay xubno katirsan Xukuumadda FS.

Maxamed Cabdi Afeey, oo ah Wakiilka QM ee dib usoo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka ku yaalla Geeska Africa ayaa la socda madaxa hay'adda UNHCR ee Filippo Grandi.

Filippo Grandi ayaa Villa Soomaaliya kulan kula qaatey Madaxweyne Farmaajo, oo ay kawada hadleen sidii UNHCR u caawin lahayd Barakaciyaasha iyo dadka qaxootiga ah ee dibadda kasoo laabtey, kuwaasi oo hadda dhibaataysan gudaha dalka.

Socdaalka wafdigan ayaa la xiriiraa u kuurgalista xaaladda qaxootigii kasoo laabtay xeryaha Dhadhaab ee waqooyiga bari ee Kenya, kuwaasi oo ku kala sugan goobo kala duwan oo Muqdisho ay kamid tahay.

Waxaa lagu wadaa Filippo Grandi inuu gaaro magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose, oo uu ku booqan doono Soomaalida qaxootiga ku ahaa Kenya ee dhawaan dib dalka loogu soo celiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM