Soomaaliya: Wasiir Axmed Ciise oo yimid Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa saaka oo Axad ah soo gaarey magaalada Muqdisho.

Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay Wasiirro, Xildhibaano, Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Cali Maxamed Geedi.

Waxaa lagu wadaa in isaga iyo labo wasiir oo kale oo dhawaan Ra'iisul Wasaare Khayre u magacaabay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga lagu dhaariyo maanta Muqdisho.

Maalinta Berri ah ayaa lagu qaban doona Muqdisho Munaasabad Xil-wareejin ah oo uu Axmed Ciise Cawad xafiiska ugala wareegayo Yuusuf Garaad, oo khamiistii lasoo dhaafay xilka laga qaadey.

Axmed Ciise Cawad ayaa horay u ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Washington ee dalka Mareykanka, waxaana dhawaan Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u magacaabay Wasiirka Arrimaha dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM