Soomaaliya: Wasiir Juxa oo gaaray Balad-Xaawo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BALAD-XAAWO, Gedo- Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.

Juxa waxaa socdaalka ku weheliya, Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, xubno katirsan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedkaas.

"Waxaan nabad gaarnay degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo, si'aan ugu kuur galno xaalada guud ee degmada iyo muranka xuduudeed ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya." sidaas waxaa yiri Wasiir Juxa oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu intaas ku daray "Waxaana kulamo kala duwan la qaadanaynaa Maamulka iyo shacabka deegaanka, si aan u qiimayno xaaladda dhabta ah ee ka jirta degmada Balad-Xaawo, taas oo noo fududeynaysa sidii ay dawladu go’aan uga qaadan lahayd darbiga ay Kenya ka dhisayso xuduuda labada dal."

Juxa ayaa intaas raacshay in socdaalka ay ku weheliyaan khuboro caalamio ah oo ku xeel-dheer arrimaha xuduudaha, kuwaasoo qiimayn ku samayn doona arrimaha muranka dhulka ee ka taagan degmada Balad-Xaawo.

"Waxaa safarkayga igu weheliya Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland iyo wafti uu hogaaminiyo, Xildhibaano iyo Wasiiro ka socda dawladda federaalka ee Soomaaliya, Gudigga Xuduudaha dalka, iyo sidoo kale khubarro ku xeel dheer arrimaha xuduudaha." sidaas waxaa yiri Juxa.

Ugu dambayn wuxuu u mahad celiyay madaxda iyo shacabka degmooyinka Doolow iyo Balad-Xaawo oo si wanaagsan u soo dhaweyay wafdigan.

Socdaalkan ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan shacabka Balad-Xaawo ay cabasho ka muujiyeen Silig ay ku xireen xadka labada waddan ee Kenya iyo Soomaaliya, iyagoo sheegay in dhulkooda lagusoo xad-gudbay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM