Soomaaliya: Xiisad ka taagan Balad Xaawo iyo rasaas la maqlay

Image
Image
Image
Image

BALAD XAAWO, Soomaaliya - Xiisad ayaa ka taagan maalintii 3aad magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii Ciidamada Kenya ay dib u billaabeen dhisamaha derbiga lagu muransan yahay.

Xiisada oo u dhaxaysay Shacabka magaalada iyo Ciidamada Kenya ayaa cirka isku shareertay kadib markii dhowr qof ay ku dhaawacmeen rasaas lagu furay xilli ay ku baxeen halka derbiga laga dhisayo.

Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa inay rasaas xooggan ku fureen dad shacab ah oo isku dayay inay duugaan/aasaan Godad dhaadheer oo Ciidamada Kenya ka qodeen gudaha Balad-Xaawo si ay derbiga uga dhisaan.

Ciidamada Jubbaland ayaa lagu eedeeyay inay la safteen Ciidamada Kenya ee Dhul-boobka wada, iyagoo ilaalo ka ah goobaha ay ka socoto shaqada dhisamaha derbiga.

Nabadoon Idiris oo kamid ah waxgaradka Balad Xaawo oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada ay raali ka yihiin xad-gudubka dhulka Soomaaliya ay kusoo sameysay dowladda Kenya.

Wuxuu sheegay in gudaha magaalada ay soo galeen Ciidamo Kenyan ah oo wata gaadiidka dagaalka, iyo Baldoosarro kuwaasi oo derbiga ka dhisaya magaalada gudaheeda, taasina ay tahay mid aan la aqbali karin oo shacabkuna kahortagayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka aamusan xad-gudubka la sheegay inay Kenya kusoo sameysay Xuduuda, gaar ahaan dhanka Balad Xaawo, iyadoo ay xusid mudan tahay inaysan jirin Ciidamo Soomaaliyeed oo ilaaliya xuduudaha uu leeyahay wadanka.

Kenya ayaa doonaysa inay derbi lagu qiyaasay 700KM ka dhisto Xadka, iyadoo ku doodaysa inay uga hortageyso weerarada Al Shabaab ka fuliso gudaha dalkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM