Soomaaliya: Xil ka qaadis deg deg ah oo lagu sameeyay Taliye Ciidan

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta soo saarey digreeto uu xilka uga qaadey Taliyihii Nabad Sugida gobolka Baay Ibraahim Isgow Ibraahim.

Xilka qaadista ayaa loo sababeeyay in Taliye Ibraahim Isgow uu gudan waayay shaqadii loo igmaday, islamarkaana uu ku guul-dareestay inuu la shaqeeyay Wasaaradda amniga DFS iyo Madaxda maamulka.

Taliyaha ayaan wali ka hadlin go'aanka Madaxweyne Shariif Xasan uu xilkii uga xayuubiyay.

Hoos ka akhri wareegtada Shariif Xasan:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM