Soomaaliya: Xildhibaan heer Federaal ah oo geeriyooday

Image

INDIA - Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka India.

Ehellada marxuumka ayaa xaqiijiyay geeridiisa, oo timid kadib markii uu soo wajahay xanuun mudo uu la il-darnaa, waxaana dhawaan loo qaadey India, oo xalay uu ku dhintay.

Xildhibaanka ayaa lagu sameeyay qaliin kahor inta uusan geeriyoon.

Meydka Bootaan Ciise Caalin ayaa la filayaa in dhawaan meydkiisa dib loogu soo celiyo dalka, si aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Bootaan Ciise waxa uu kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii ka qeyb-qaatey burburka dowladdii dhexe ee dalka, taasi oo hogaaminayay Maxaamed Siyaad Barre.

Allah ha u naxariistee Bootaan Ciise waxa uu soo noqday Wasiirka dhaqan-celinta iyo malleeshiyaadka dowladdii marxuum Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM