Soomaaliya: Xildhibaan lagu dilay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dilay mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Goob-joogiyaal iyo Saraakiil Boolis oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay dilka Ruqiya Abshir Nuur oo ka dhacay meel ku dhaw Guri ay ka dagneyd degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Allah ha u naxariistee Ruqiya ayaa labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubaysan ugu galay goob farmashiye ah ku taalla nawaaxiga Isgoyska Maana-Booliyo, iyadoo weerarka uu kasoo gaarey dhaawac culus.

Isbitaalka Madiina ayay dhaawicii soo gaarey ugu geeriyootay Ruqiya, waxaana la filayaa in maalinta berri ah lagu aaso magaalada Muqdisho, sida mid kamid ah Eheladeeda u sheegay Garowe Online.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Xildhibaanadda katirsanayd Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM