Soomaaliya: Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Duqeyn

Image

MAUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa soo saarey qoraal uu ku xaqiijinayo weerar dhanka cirka ah oo shalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerarka oo ka dhacay meel Muqdisho 50KM dhanka Galbeed uga beegan ay ku dileen labo xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Duqeynta lagu burburiyay Gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa, kaasi oo la doonayay in lagu waxayeelleeyo shacabka Muqdisho.

AFRICOM waxay dhinaca kale sheegtay in aysan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaarey shacabka weerarka, oo noqonaya kii ugu horeeyay oo 2018 ay Diyaaradaha Mareyakanka ka fuliyaan Soomaaliya.

Sanadkii tagey ee 2017, Mareykanka ayaa ka geestay Soomaaliya 37 weerar kuwaasi oo mid kamid ah lala eegtay Daacish-ka ku sugan Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM