Soomaaliya: Xukun lagu riday xubno ka tirsan Daacish

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajadda 1aad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun min 15-sano oo Xabsi ciidan ah ku riday Labo nin oo lagu soo eedeeyay inay katirsan yihiin Kooxda Daacish faraca ka howlgala Soomaaliya.

Ragga la xukumay oo kala ah, Mahad Maxamuud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame [Dr. Raage] ayay Maxkamaddu sheegtay inay qirteen Dambiga lagu soo eedeeyay oo qayb ka ah, kadib caddeymo badan oo lasoo hor-dhigay.

Abuu-Yaasiin, oo haysta dhalashada dalka Ruushka ayaa waxaa si gaar ah loogu soo eedeeyay inuu waday abaabulka sameynta koox ka madax banaan Daacishta Soomaaliya, kadib markii ay isku dhaceen hogaamiyaha Daacishta wayn, sida la sheegay.

"Eedaysane Abuu-Yaasii wuxuu ku dhashay Ruushka, isaga oo ay isla dhaleen Hooyo Ruushiyaan ah iyo Aabo Soomaali ah. Wuxuu muddo ku noolaa Suuriya. Halkaasoo uu kusoo qaatay tababaro badan," ayaa lagu yiri war kasoo baxay Maxkamadda.

Dr. Raage ayay isaguna daboolka ka qaadeen Dacwad-oogayaasha inuu ahaa sarkaal sarre oo dhanka caafimaadka ah, islamarkaana uu hore u ahaa Ganacsadda ka shaqaysanayay Suuqa wayn ee Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Gudoomiyaha Maxkamadda, Gaashaanle Sarre Xasan Nuur Cali [Shuute] ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isaga oo cod dheer ku sheegay in cidii aan ku qanac-saneen uu Racfaan furan yahay.

"Kadib markii Maxkamadda ka horkeenay caddeymo muujinaya dambbiyadda lagu soo eedeeyay, waxay ku xukuntay Min Shan iyo Toban [15] sano oo Xabsi ciidan ah, ciddii aan ku qanac-saneen waxaa ufuran Racfaan," ayuu yiri Gudoomiye Shuute.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Maxkamadda Darajadda koowaad ee ciidamada Qalabka sidda ay xukun Xabsi daa’in ah ay ku riday Nin lasheegay inuu ahaa Filim-qaadihii kooxda Daacish uduubayay dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM

Garoonka Diyaaradaha Doolow oo Dib Loo Furay Kadib Xayiraad Mudo Socotay

Mudadii ay xayiraaddu jirtay, dad badan oo ka yimid gobolka Gedo ayaa la daalaa dhacayay helitaanka adeegyada caafimaad.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 01:25PM