Soomaaliya: Xukuumadda oo Dacwad kusoo oogtay Xildhibaano mucaarad ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo maanta Shir Jaraa'id ku qabtey Xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka dalbadey aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka in xasaanada laga qaado Xildhibaano uu ku eedeeyey Dowlad Dumis.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in baaris lagu sameynayo Xildhibaanada kala ah Xasan Maclin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye, oo uu sheegay inay galeen fal-dembiyeed maxkamad lagu horgeynayo.

Labada Xildhibaan ayuu ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha qaran Dumis iyo inay dhaqaale kasoo qaateen dalal shisheeye, oo uusan carabaabin si ay u dumiyaan Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Wuxuu xusay in Hay'adaha amniga ay baaritaan ku samayn doonaan Xildhibaanadan marka xasaanada laga aqaado, kadibna cadaalada la horgeyn doono hadii ay ku cadaato eedaymaha dowlad-dumiska ah.

"Waxaan hay'adaha baarista dowladda ku wargelinayaa inay qabsadaan howlahooda ku aadan hergelinta sareynta sharciga, oo baari ku sameeyeen Xildhibaanada," ayuu yiri Axmed Cali Daahir oo warbaahinta la hadlayay.

Xeer Ilaaliyaha ayaa intaasi ku daray in warqad ay u gudbiyeen Gudoonka Gollaha Shacabka ay ku xuseen dhamaan dembiyada lagu soo oogay labada Xildhibaan, oo kusoo kooban dowlad-dumis.

Go'aanka Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa u muuqda mid lagu cabsi gelinayo Xildhibaano mucaarad ku ah Xukuumadda oo ku balamay inay mooshin ka gudbiyaan Farmaajo iyo Khayre marka uu furmi kalfadhiga 3aad ee Gollaha Shacabka. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 
 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM