Soomaliya: Mucaaradka Jubbaland oo ku baaqay abaabulka macawuusleey

Image

KISMAYO, (GO) - Siyaasiyiinta mucaaradka Jubbaland ayaa bilaabay labo kaclayn lagu dhaliilayo xukunka Axmed Maxamed Islaam ee 10 jirsaday, waxayna ku baaqayaan in isbadelo la sameeyo.

Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo wasiir federaal ah soo noqday, haddana ah dadka ugu codka dheer mucaaradka Jubbaland ayaa wareysi uu bixiyay ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu jiho wareerinayo halganka xoreynta Jubbaland “shalay wuxuu na lahaa ciidan igu filan ma haysto oo ma xoreyn karo jubbada dhexe, Maanta wuxuu na leeyahay Macawuusleyda Uma baahni oo waxaan haystaa ciidamo igu filan”, ayuu yiri Oomaar oo wareysi bixiyay isaga oo Nairobi ku sugan. 

Oomaar ayaa ku baaqay in La abaabuli dadka deegaanka, si ay isaga dul qaadaan Alshabaab, isaga oo sheegay in wadaadkii kasoo cararay Hargeysa uu gabbaad kasoo dhigtay Jubbada Dhexe , cid kasta oo kalena ay sidaasi gabbaad uga dhigato.

Sidoo kale siyaasiyiin uu hormuud u yahay Cabdullaahi Cilmooge Xirsi oo London ku shirey ayaa ku baaqay isbadel dhab ah in uu Jubaland ka dhoco.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda Jubaland xilli dagaalamayaasha Alshabaab oo kasoo cararaya dagaalka kaga socda Koonfur Galbeed iyo Gobolada Dhexe ay suurtogal tahay in ay soo galaan Jubbooyinka.

Sidaasi oo ay tahay wararka ay heshay GO ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubaland uu dhowaanahan wadahadal la lahaa dowladda cusub ee Kenya arrimo la xiriira hawlgal ciidan oo Alshabaab ka dhan ah .

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM