Puntland iyo Jubaland oo lagu bogaadiyey shaacinta guddiyada

Image

JOWHAR, HirShabelle - Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa soo dhaweeyay xubnaha guddiyadda ee ay magacaabeen Puntland iyo Jubaland.

Swan oo Khamiista maanta ah booqdey magaaladda Jowhar ayaa shaaca ka dhigay in talaabadan ay tahay mid u wanaagsan rajadda laga qabo in ay kulmaan madaxda dowlada federaalka iyo maamuladda.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa caasimadda maamulka Jowhar wuxuu kula kulmay madaxweyne Cali Cabdullaahi Guudlaawe kaasoo ay kawada hadleen arrimaha doorashoooyinka iyo muranka ka jira.

Barta Twitter-ka ee Xafiiska Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Swan uu hoosta ka xariiqay muhiim ay tahay in doorashooyinka ay waqtigooda ugu dhacaan si daahfuran.

"Magaalada Jowhar, wafdi uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, oo ay wehliyaan wakiillo ka socda Hay'adda Beeraha iyo Cunnada ee FAO iyo Madaxa Booliska UNSOM, ayaa la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe iyo golahiisa wasiirradda, iyagoo kala hadlay taageerada Qaramada Midoobay ee Hirshabeelle, taas oo dhinacyo badan leh," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Isagoo warbaahinta maanta kula hadlayey magaalada Jowhar, Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, waxa uu soo dhoweeyey magacaabista Puntland iyo Jubaland ee guddiyada doorashooyinka isagoo ku tillaabadaas ku tilmaamay mid "wax ku ool ah" waxa uuna xusay in kulanka lagu baaqay ee madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah uu yahay mid waxtar leh".

Puntland iyo Jubaland ayaa qoraal wadajir ah waxay ku shaaciyeen in ay gudbiyeen xubnaha ku metelaya guddiyada doorashooyinka kuna baaqay shir deg deg oo qabsooma 30-ka Janaayo ee sanadkan 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM