Taariikhda Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxuu ku dhashay magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay 1957, waana 61 jir xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii dalka soo maray.

2014, waxa uu kasoo qalin jebiyay Jaamacad ku taalla dalka Yemen

2009-2011 Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabeynta

2009 - 2011 xubin katirsan Baarlamaankii 9aad ee dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif.

2012 -2015, safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.

2016 waxa uu kamid noqday Baarlamaanka 10aad ee hadda shaqeynaya.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha ayuu kasoo noqday dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

April 30, 2018, waxaa loo doortay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isago bedelaya Maxamed Cismaan Jawaari oo xilkan iska casilay bishan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM