Tababar loosoo xiray ciidan sugaya amniga doorashada

Image
Image
Image
Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka waxay kormeer ku sameeyeen goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashadu.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubno ka mida Guddiyada Doorashooyinka Heer Dowlad goboleed Galmudug (SEIT) iyo Heer Federaal (FEIT) ayaa maanta booqday xarunta hawlgaladda Amniga Doorashooyinka gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, halkaa oo ay tababar ugu soo xireen saraakiil iyo ciidamo loo tababaray sugidda  xarunta Amniga  howlgalka Doorashada.

Munaasabada xiritaanka waxaa ka qeyb galay maamulka Gobolka Mudug, Duqa Degmadda Gaalkacyo ku xigeenkiisa, iyo Taliyayaasha laamaha Amniga ee Degmada Gaalkacyo.

Munaasabadaa ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ciidanka iyo saraakiisha loo tababaray maamulka iyo gacan ku haynta xarunta amniga Doorashooyinka magaaladda Gaalkacyo.

Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka waxay kormeer ku sameeyeen goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashadu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM