Tababarka ciidamadda Soomaaliya oo shir laga yeeshay

Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa Dugsiga Tawabarka Dowlada Ingiriiska ee Ciidanka Xooga Dalka kula kulmay, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska, James Duddridge.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo James Duddridge waxaa kulanka ku wehliyey mas'uuliyiin kale oo ka tirsan labadda dhinac kuwaasoo ay kamid yihiin wasiiro.

Ben Fender, danjiraha boqortooyadda UK u fadhiya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa kulankaan ka dhacay xarunta ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

"Kulanka waxaa looga hadlay dib u dhiska Ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Kulanka ka dib Madaxweynaha oo ay Wehliyaan wehlinayey Wasiiradda Wasaaraddaha Qorshaynta,Arimaha Gudaha iyo Agaasime ku Xigeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo Madaxda Dowlada Ingiriiska ayaa Kormeerey Ciidanka Tawabarka uga Socday Xarunta".

Ingiriiska ayaa kamid ah dowladaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka taakuleeya arrimaha la dagaalanka argagixisadda, dhismaha dowladnimadda iyo tayeynta ciidamadda.

James Duddridge ayaa waddanka wuxuu u yimid ka qeybgalka shirka Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka kaasoo Isniintii ku qabsoomay Muqdisho halkaasoo uu kaga hadlay arrimo doorashooyinka kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM