Tabta cusub ee Al-Shabaab malaayiinka Doolar ku aruur-saneyso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo la cunaqabateeyay, Al-Shabaab ayaa malaayiin Doolar kaga dhex-sameyneysa Soomaaliya maalgashiga hanti ma guurto ah iyo isticmaalka bangiyo maxali ah, sidda ay tilmaameyso warbixin cusub.

Maalgashiga ganacsiga ka kala socda suuqa weyn ee Bakaaraha kuna yaala magaala madaxda Muqdisho, ayaa, sidda ku cad warbixina, waa qeyb kamida qaababka cusub ee argagixisada dakhliga ku halayso.

Koox ka kooban lix xubnood oo fadhigoodu yahay caasimada Kenya ee Nairobi, ayaa warbixintooda aan wali la faafin waxay ku xuseen in maleyshiyada heshay $13 milyan December, 2019 illaa August, 2020.

Sidda ku cad qormadda, meelaha dakhligan ka yimid waxaa kamida $2.4 milyan oo ka soo xarootay jid-gooyooyinka gobolka Jubada Hoose iyo $5.8 milyan oo kaga timid ganacsi ay canshuureen kana soo degtay dekada Kismaayo.

Marsada caasimada ku taala ee Muqdisho ayaa kamid ah meelaha aan warbixinta lagu xusin balse Al-Shabaab ay dhaqaalaha badan kaga soo xarooto taas oo ka dhigan in ururka uu u muuqdo mid isku rogaya "dowlad kale".

Warbixinta oo uu si gaar ah u helay wargeyska New York Times ayaa waxay wadataa caddeymo ay kamid yihiin rasiidhada lacagaha la kala wareejiyey mudadaas.

"Laba bangi oo gacansaar la leh Al-Shabaab – kuwaasoo shirkadaha maraakiibta iyo dulaalada baabuurta kula shaqeeya tafaariiqley ahaan – ayaa uruuriyey $3 milyan oo Doolar," ayuu jaraa'idkan laga leeyahay Mareykanka wariyey.

Xilli risiidhada la baarey ay gaarayaan 128, kala wareejintan lacageed ayaa lala xiriiriyey Salaam Somali Bank oo xaruntiisu tahay Muqdisho. Maamulka Bangigan wuxuu ku adkeystay in uu dabagal ku sameeyay akoono ay tuhmeen.

Wallow aysan meesha ka saarin in ay jiri karaan akoono xiriir la leh xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ee Al-Qaacidda, haddana waxay tibaaxeen in ay ka taxadaaraan shaqsiyaadka iyo hay'addaha xayiraadda.

Dowladda Soomaaliya oo ay dharbaaxo ku tahay warbixintan cusub maadaama ay sawireyso fashilkeeda in aysan la socon dhaqdhaqaaqa bangiyada ayaa walaac ka muujisay tabta cusub ee xoogaga hubeysan ay hindisteen.

Qaylo-dhaanta kasoo yeertay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa imaaneysa xilli waddanka uu doorasho u dareerayo isla markaana ay jirto cabsi ah in Al-Shabaab ay ku yeelato murashax iyaddoo adeegsaneysa awood dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM