Tafaasiil laga bixiyey kulankii Qoor-qoor iyo wakiilada Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Qaar kamid ah wakiiladda Beesha Caalamka u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah waxaa lagu soo dhaweeyay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu soo bandhigay fahfaahin ku saabsan wada-xaajoodyo dhexmaray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo diblumaasiyiinta.

"Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug," ayaa lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Wefdiga uu hoggaaminayey Ergayga Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya, waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah Wakiiladda beesha caalamka sida; EU Nicole Miller, AU Francico Madeira, & IGAD Jamal Ahmed. waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka DGG".

"Intaa kaddib Wefdiga ayaa loo soo galbiyey Xarunta Madaxtooyadda GM. Halkaas oo ay kulan kula qaateen Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha; Doorashooyinka, xoojinta amniga & Iskaashiga DF iyo DX," ayay raaciyeen.

Dhanka kale, qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee howlgalka UN-ka ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in wadahadalkooda ay diirada ku saareen qodobada hortabinta u leh qaranka waqti xaadirka.

"Wakiilada Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo tegay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa madaxweyne Qoor-qoor ku bogaadiyey doorkiisa hogaamintiisa ee wadahadaladii u dambeeyay ee doorashooyinka, waxayna hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in lasii wado iskaashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah," ayaa lagu yiri bayaanka.

Socdaalka danjireyaasha ayaa u muuqda mid qayb ka ah safar ay ku marayaan xarumaha maamulada maadaama todobaadkii hore ay ka dageen caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM