Tahriibayaal nool iyo kuwa dhintay oo laga helay gobolka Sanaag

Image

08 January, 2016(GO)-Ciidamada Badda Somaliland ayaa gacanta ku dhigay doonni la filayo inay kasoo baxday dhinaca xeebta degmada Bosaso gobolka Bari taasoo muddo todobaadyo ah ku cilladaysnayd biyaha dushooda.

Arrintaas ayaa sababtay dhimashada qaar kamid ah tahriibayaasha doontaas sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiyaha Somaliland ugu magacaaban gobolka Sanag Axmed  Cabdi Falaay.

Doontan ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay cutub katirsan ciidamada Badda Somaliland, waxayna badbaadiyeen tahriibayaal Ethopian ah kuwaas oo 72 kamid ah noolyihiin, halka ugu yaraan 10-qof oo kalena geeriyoodeen.

Gudoomiye Falaay waxa uu sheegay in doontaas laga helay goob lagu magacaabo Xarshow oo qiyaastii 55KM dhinaca Bariga kaxigta deegaanka Meydh, wuxuuna tilmaamay inay wadaan baritaanno.

Falaay ayaa xusay inay gacanta ku hayaan dadka lasoo badbaadiyay intooda caafimaad qabta, halka qaybtood la geeyay goobaha caafimaadka gobolkaas.

Naakhuudayaasha doonta ayaa gudoomiyaha gobolkaas sheegay inay gacanta ku hayaan iyagoo damcay inay ciidamada ka baxsadaan.

Majirto war intaas dhaafsiisan oo laga helay doontaas iyo tahriibayaasha la socday, lama oga cidda iska leh iyo halka ay kasoo shiraacata, balse warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya inay kasoo kicintay dhinaca xeebta degmada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM