Tahriibiyaal laga soo celiyay Libya oo la keenay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - 97 qof oo dhalinyaro Soomaali ah oo in muddo ah ku xirnaa dalka Liibiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay soo faragaliyeen dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Shan kamid ah 97-ka qof ee lasoo celiyay waa gabdho, waxaana subaxnimadii Maanta ka soo degeen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Cabdi Siciid Muuse Cali, mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda IOM iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa soo dhaweeyay, waxaana la geeyay goob ay IOM ugu tala-gashay inta loogu qaadayo degaanada ay kasoo jeedaan.

Dhalinyaradan ayaa ka soo baxsaday meelihii ay ku heysteen magafeyaasha, iyagoo isku dhiibay Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya.

Ilaa 2,500 oo qof oo Soomaali ah ayaa dalkooda dib ugu soo laabtay tan iyo sanadkii 2018 ka dib markii laga soo celiyay dalal kala duwan.

In ka badan ​​100 qof oo kale oo Soomaali ah ayaa la filayaa inay dalka soo gaaraan toddobaadka soo socda, kuwaasoo ka imaanaya Liibiya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM