Taliska AMISOM oo ka hadlay khasaarihii weerarka

Image

December 26, 2014 (GO)- Taliska AMISOM ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar shalay Al-shabaab ku qaadey xerada Xalane ee magaalada Muqdisho halkaasoo saldhig u ah taliska guud ee ciidanka AMISOM.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in weerarka 9 qof ku dhinteen kuwaasoo kala ahaa 5 kamid ah kooxdii weerarka soo qaadey, 3 askari oo ciidanka AMISOM ka tirsanaa iyo qof shacab ah.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanka AMISOM fashiliyeen weerarka maadaama kooxda soo qaadey laga hor joogsadey inay u gudubto goobo muhiim ah oo ka tirsan xerada.

Taliska AMISOM ayaa ugu dambeyntii sheegay in nolosha lagu qabtey saddex kamid ah kooxdii weerarka soo qaadey.

Weerarkan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qaado saldhigga ugu weyn ciidamada AMISOM ee Xalane, waxaana mas'uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM