​Taliska ciidanka Somalia oo ka hadlay howlgalka Toora-Toorow

Image
Image

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska taliska ciidanka xoogga dalka Somaliyeed ayaa looga hadlay howlgal ay wada fuliyeen ciidamada Kumaandoosta Somalia ee Danab iyo kuwa kasocda dalka Maraykanka.

Weerarkan oo shalay ay Al Shabaab sheegtay inay fashiliyeen ayaa talisku faah faahiyeen, waxayna tilmaameen in abaara 04:00 habeenimo Xilliga Somalia ee Salaasadii in weerar lagu soo qaaday saldhig ku yaalla deegaanka Toora-Tooroow ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana lagu qaaday mallayshiyo katirsan kooxda Shabaab.

“Ciidamada sida gaarka ah u tababar ee Danab ayaa Salaadii Subax Xilli ku dhaw howl-gal qorsheysan ku qaaday saldhig kooxda Al-Shabaab ay ku uruuriyaan waxa ay ku ugu Uguyeeraan Zakawaadka oo ay ku boobaan hantida shacabka ku nool deegaankaasi, ujeedka ciidanka wuxuu ahaa in saldhiggaas ay burburriyaan, weyna ku soo guuleysteen,”Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Talisku, waxay tilmaameen intii howlgalka lagu jiray in la dilay saraakiil katirsan Shabaab islamarkaana lagu bur-buriyay saldhigaasi.

Arrintan, waxaa sidoo kale shalay ka hadashay xukuumadda Washington, waxayna cadeeyeen in ciidamadoodu ka qayb qaateen howlgalka gobolkaasi laga sameeyay, balse ma aysan faah faahin sida u dhacay khasaarihiisa.

Dhawr jeer oo hore waxaa Koonfurta Somalia qaybo kamid ah ka dhacay howlgalo ay wadafuliyeen ciidamada Somalia iyo Maraykan isugu jira kuwaasi oo lagu qaaday goobo ay ku suganyihiin mintidiin katirsan Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM