Taliyaha booliska Soomaaliya oo "ka badbaadey isku-day dil"

Image
Xijaar ka baxay goobta la weeraray ee ku taala xeebta Liido waxyar kahor inta aysan dableydu gudaha ugu daadan dhismaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa caawa isku-day dil kaga badbaadey maqaayad ku taala xeebta Liido markii ay weerareen dabley loo maleynayo Al-Shabaab.

Xijaar ka baxay goobta la weeraray ee ku taala xeebta Liido waxyar kahor inta aysan dableydu gudaha ugu daadan dhismaha, sidda Garowe Online u sheegeen qof ku dhow Jeneraalka.

"Qaraxu wuxuu dhacay iyada oo taliyuhu kasoo baxay goobta, uuna saaran yahay gaarigiisa. Hadda wuxuu si nabad ah ku tahay gurigiisa," ayuu raaciyey shaqsigan.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa tabisay in ciidamadda dowladda ay "si degdeg ah uga falceliyeen falkan argagixiso". Balse, waxay ka gaabsatay in ay soo bandhigto fashilkooda ka hortaga hujuumkan.

"Waanu nabad-qabnaa," ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Qowdhan Warsame oo lagu waramay in uu kamid ahaa mas'uuliyiinta ku jirta goobta la weeraray ee ku taala xeebta Liido caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Mudanaha wuxuu kamid ahaa xubno kale oo la afuray taliyaha booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Xijaar, oo qudhiisa sanadkan ku guuldareystay isku-day uu ku doonayay in uu kaga mid noqdo baarlamaanka 11aad ee waddanka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska, Gaashaanle C/fitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay in qof isa soo miidaamiyay uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Xeebta Liido abaare 8:40pm xilliga Geeska Afrika.

Xasan ayaa wuxuu sheegay in 3 qof ay dhinteen xilli hay'adaha caafimaadka ay wariyeen Ambalaasta in 6 ruux ay dhinteen, sideedna ay dhaawacmeen. Ma ahayn weerar adag sidii markii hore loo maleeyay.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli loo diyaar-garoobayo doorashadda gudoonka Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ayna magaalada Muqdisho hareeyeen kulamo ay Xildhibaaanda uga tashanayaan cidda ay dooranayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM