Taliyaha ciidamada AMISOM oo Kismayo tagay

Image

10 Decemeber, 2015(GO)-Saraakiil ciidan oo hogaaminayo Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa maanta tagay magalada Kismayo xarunta maamulka Jubbaland, waxayna la kulmeen saraakiisha ciidamada iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

General Jonathan Rono, ayaa booqday goobo fariisin u ah ciidamada Midowga Afrika, wuxuuna wax ka weydiiyay xaaladooda.

Booqasho iyo soo dhaweyn ka dib, taliyaha ayaa kulan la qaatay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo mas'uuliyiin kale, waxayna ka wada hadleen adkaynta amniga. iyo ciidamo ka socda Ethopia oo dhawaan imaan doona magalada Kismayo, waxayna badalayaan kuwa sierra leone ee nabad ilaalinta u jooga gobolkaasi.

Waxaa labada dhinac isla soo qaadeen howgallo AMISOM ka samayn doonto goobaha Al-Shabaab ku harsanyihiin ee ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM

Dawladda Puntland oo adkaysay amaanka xeebaheeda

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale uga digay cid kasta oo isku dayda inay ka hortagto ciidamada ama adeegsato maleeshiyaad hubeysan.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 09:09AM