Taliyaha cusub ciidanka Xoogga dalka Somalia oo isku day dil ka bad-baaday

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xoog leh ayaa goor dhaweyd ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, waxaana ka dhashay khasaaro laxaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeed.

Weerarkan ayaa bar-tilmaameedkiisu ahaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia, Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid oo waqtigaas kasoo baxay xarunta wasaaradda Gaashaan-dhigga Somalia.

Balse qarax ayaa dhacay wax yar uun kadib markii ciidanku dhaafeen goobta is-miidamintu ka dhacday, waxaana weerarkaas uu heleelay bas ay la socdeen dad shacab ah.

Ku dhawaad 10 ruux ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhinteen qaraxa, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ammaanka iyo gawaarida gurmad caafimaadka ayaa goobta soo gaaray, waxayna sameeyeen baaritaano kala duwan, halka kooxa caafimaadku la tacaalayeen dadka waxyeelladu soo gaartay.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Somalia iyo maamulka  magaalada Muqdishu.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda, balse qaraxyada noocaan ah waxaa dalka Somalia ka fuliya ururka Al Shabaab.

Mudooyinkii dambe kooxdan ayaa kor u qaaday weerarada ka dhanka ah dowladda iyo shacabka ku nool Muqdishu.

Wuxuu kusoo aaday Saddex bari kadib markii Madaxweynaha Somalia iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM