Taliyaha Cusub ee NISA oo xilka la wareegay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha cusub ee Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA], Xuseen Cismaan Xuseen ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah ula wareegay xilka Taliska Hay'addaasi.

Xaflad kooban, oo lagu qabtay Xarunta Nabad Sugida ee Habar-Khadiija ee Muqdisho, islamarkaana ay kasoo qeyb-galeen Xubno katirsan labada golle ee dowladda, oo uu kamid yahay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow "Ducaalle" ayuu xilka kula wareegay.

Taliyaha cusub oo maalin kahor la magacaabay, ayaa xafiiska kala wareegay Cabdulqaadir Maxamed Nuur [Jaamac], oo si KMG ah u hayay xilka tan iyo markii xilka laga qaaday Sanbaloolshe bishii October, 2017.

Wasiirka Amniga ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub ee Nabad Sugida, Xuseen Cismaan Xuseen inuu si hufan oo daacadnimo ku jirto u guto xilkaasi, isagoona ugu baaqay Saraakiisha kale ee Hay'adda Sirdoonka inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Madaxa cusub ee NISA, oo kasoo jeeda beesha Geledi oo kamid ah "Digil iyo Mirifle" ayaa ahaa ku xigeenka Wasiirka Caafimaadka kahor inta aan la magacaabin, isagoo sidoo kale kamid ahaa Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xilka Taliyaha NISA waxa uu ku weynayaa xubinimada Baarlamaanka iyo jagada Wasiir ku xigeenka.

Waa Taliyihii labaad oo loo magacaabo Hay'add NISA oo dowladda Mareykanka siiso taageero dhaqaale iyo mid tababar tan iyo markii talada dalka ay la wareegay Madaxweyne Farmaajo bishii Febuary, 2017.

Xuseen oo haysta dhalashada Canada, ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii ugu dambeeyay dalka, isagoo dhanka kale xiriir dhaw la leh Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan oo la rumaysan yahay inuu soo geliyay Saaxadda Siyaadda dalka. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM