​Taliyaha NISA: Cidna loogu joojin maayo howlgalka Xasilinta [Daawo]

Image

MUQDISHU, Somalia - Taliyaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Somalia (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali "Sanbaloolshe", ayaa ka warbixiyay Howlgalka Xasilinta Caasumadda iyo Caqabadaha hortaagan.

Isagoo ka hadlayay Shir Jaraa'ida oo si Wadajir ah ugu qabteen Muqdishu Wasiirka Amniga iyo Taliyaasha Ciidamada, ayuu sheegay Sanbaloolshe inay jiraan Shaqsiyaad katirsan dowladda oo caqabad ku ah Howlgalka.

Sanbaloolshe ayaa daboolka ka qaadey inay jiraan Shaqsiyaad badan, oo ku gabanaya Madaxda Dowladda, oo diidan inay u hogaansamaan awaamiirta Ciidanka ku jira howlgalka Xasilinta Caasumadda.

Taliyaha NISA ayaa tilmaamay in aysan raali ka noqon doonin in la Carqaladeeyo Howlgalada so socda Muqdishu, islamarkaana qofkii ay u arkaan caqabad ka qaadi doonaan Tallaabo adag.

"Qof ku gamban karta Magac ciidan ama Mas'uuliyiin dowladeed ma jirto, oo loogu dulqaan doono inuu qash-qashaado Howlaha Ciidanka, amarkaasina waxaa bxiiyay Gudiga Ciidanka Xasilinta iyo Wasiirada," ayuu yiri Sanbaloolshe.

Waxuu sheegay in Howlgalada ay yihiin kuwa billow ah, islamarkaana ay si Xoog leh ku socon doonaan, isagoo shacabka ugu baaqay inay Ciidamada la shaqeeyaan, si magaalada Muqdishu loo xasiliyo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somalia, Axmed Maxamed Jimcaale ayaa dhiinaciisa amray in magaalada Muqdishu aan lagu  arki karin ciidamo wato dareska iyo gadiiidka Ciidanka Militariga.

Dhinaca kale,Taliyaha Ciidanka booliska Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid "Saacid", ayaa  tilmaamay in   mas’uuliyiinta dowladda loo samayn doono ciidamo gaar ah oo ilaaliya,  lana furi doono xarun lagu diiwaan geliyo ciidankaasi.

Hadalkan ayaa yimid xilli dowladda Somalia, ay wado howlgal lagu xasilinayo caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM