Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir oo xilka laga qaadey

Image

MUQDUSHU, Somalia - Waxaa maanta oo Sabti ah xilka laga xayuubiyay Taliyihii Nabada Sugida Gobolka Banaadir Cabdi Xakiim Fareey, xilli magaalada Muqdishu ka dhacayaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Maxamed Xasan Faarax (Faranfar), ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida gobolka Banaadir, waxaana mas'uulkaan cusub mudo kusoo dhex-jiray howlaha Sirdoonka. 

Macluumaad hoose oo Warsidaha Garowe Online helay, ayaa sheegay sababta Xilka looga qaadey Cabdi Xakiim Fareey ay tahay inay isku Heeb (Qabiil) yihiin Jen Gaafow oo ah Taliyaha Guud ee Sirdoonka Somalia (NISA).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa'uud, ayaa dhawaan soo saarey amar ah inaan wax Xilka ka qaadis ama magacaabis la samayn karin inta lagu guddo jiro marxalada kala guurka iyo Doorashooyinka 2016. 

Hay'adda NISA ayaa yeelatay dhowr Taliye intii mudadii afarta sano ee uu xilka hayay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dhawaad (September 10) waqtigiisa sharciga ah uu ka dhamaaday.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM